Rajkumar Hirani waa Director doorkiisa ka baxsada, waxaanu sameeya aflaam aan inaba caadi ahayn, sidookale wuxuu kamid yahay flimsameeyayasha abid soo maray dalka Hindiya, kuwaaso sameeya aflaam dhaxal gala.

Sidaan wada ognahayna Rajkumar Hirani waxuu sameeyay aflaam taariikhi ah, sidookalena noqday Hit, waxaana kamida aflaamtaas, PK, 3 Idiots, iyo waliba qaar kale oo faro badan.

Hadaba Rajkumar Hirani flimadiisa intooda badan wuxuu jeclaadaa in uu hogaamiyo atooraha caanka ah ee Amir Khan, maxaa sababu ah in uu jeclaado flimsameeye Rajkumar Hirani in aflaamtisa inta badan hogaamiyo Amir Khan?, akhriste sababta wax kale maahin Director Rajkumar Hirani waxuu taageere u yahay Amir Khan.

Rajkumar Hirani atooraha Amir Khan hada oo kaliya taageero umuu noqon, ilaa yaraantiisi waxuu u ahaa taageere aad u jecel, sidookalena raadin jiray in uu lakulmo mar uun, sida muuqatana Rajkumar Hirani wuu garab taagannyahay Amir Khan.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here