Sidaan wada ognahay 50-bari ayaa kasoo wareegay daawashadii, flimkii Bahubali 2 oo noqday Hindiya flimkii ugu waynaa ee abid soo mara.

Sidookale atooraha flimka Bahubali 2,  ee Prabhas magaciisa aad ayuu u fiday, asagoo yeeshay taageerayaal badan, iyo Directoro badan oo aad u taageeray, garabkiisana ag is taagay.

Hadaba waxaa xalay xaflad dhigtay flimsameeyaha wayn ee Karan Johar, waxaana  kasoo qayb galay dhamaan saaxiibadiisa oodhan, iyo shaqsiyada ugu cadcad Bollywoodka.

Xafladaas waxaa kasoo qayb galay,  xataa Prabhas,  iyo Rana Daggubati, halkaaso si farxad iyo wanaag ku dheehantay loogusoo dhaweeyay.

Hadaba taas markaan ka nimaadno, waxaa lasoo bandhigay sawir uu Varun Dhawan heesto seef wuxuuna iska dhigayay Kattapa, waxaanu rabaa inuu Bahubali dilo, atooraha Bahubali na waxaad moodaysaa in uu diyaar u yahay dhimasho, hadaba Varun Dhawan matalkan kadib wuxuu idhi: “Sawirkan iyo seeftan waxaa u sameeyay flimkii Bahubali2 markii la dilayay Bahubali kaaso dilayay Kattapa, hada kadibna taageero ayaan u ahay Prabhas, waana la dhacay matalkiisa”.

SHARE

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here