Atooraha reer Punjab Diljit Dosanjh flimka uu hogaaminayo ee Super Singh, sheekadiisana tahay Hero ayaa maanta sameeyay ganacsi fiican waana isniintiisii 1aad ee uu sameeyo ganacsi aad u fiican, kooxda iska le flimkan rajo ayaa gashay maadamo ganacsi macquula samayn karo.

Flimkan isniintii wixii ka horeeyay wuxuu ku furmay run ahaan ganacsi aan macquul ahayn, balse imika flimka Super Singh wuxu keenay isniintiisi 1aad 1.10 Crore, waana ganacsi fiican flimkan in uu soo xareeyo isniintiisa koowaad, sidookale shabakada Box-Officeka Hindiya xaqiijisay wuxuu haystaa ganacsi fiican mudo 4 maalmooda asagoo keenay 6.80 Crore.

Sidookale sida lasaadaalinayo flimkan isbuuciisa 1aad wuxuu keeni karaa 9.50 Crore waaa ganacsi aad u fiican, sidookale flimkan ayaa laga rajaynayaa in uu iska bixiyo lacagaha lagu qarash gareeyay, sida xayaysiintiisa oo lacag lagu bixiyey, qalabka Actionka oo looso iibiyey, iyo waliba qaar kale oo faro badan.

Hoos Ka Akhriso lacagaha uu keenay flimkan inta uu tiyaatarada saarnaa.

Jimce 1.80 Crore

Sabti  2 Crore

Axad 1.50 Crore

Isniin 1.10 Crore

Guud ahaan waa 6.80 Crore

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here