Atriishada Quruxlayda ah Ayesh Takia, shaashada marwalba kasoo muuqata, waxay leedahay markan aniga ma xirto dharka Bikini, intaan noolahayna ma xiran doono.

Hadaba atriishadan ayaa wax laga waydiiyey waxa ay u xiran wayday, dharka dabaasha ee loo aqaano Bikini, iyo sababta aanay u xiran, xataa su’aal kale ayaa soo raacday taaso ah, hadii aanad xiran dharka dabaasha ee loo aqaan Bikini, flimsameeye kuuma imaan doono mashruucna kulama saxiixan doono.

Ayesh Takia hadaba waxay tiri: “Aniga intaan fanka ku jiray, waxaan jilay 20-flim oo kala duwan, mid kamid ah, kuma xiran dharka dabaasha ee loo aqaan Bikini, waligay ma xiran doono dharka dabaasha ee Bikini, waxaan necbahay inaan shaashada kagasoo baxo anigoo xiran dhar qaawan, shaqsi ahaan waxaan ahay qof aad u jecel Fashionka,hankayguna wuuka wayn yahay in aan xirto dharka dabaasha ee Bikini, sababta aan u diidana waxay tahay malin maalmaha kamida caruur ayaan yeelan doonaa, kawaran hadii ay daawadan hal flim oo aan xirtay dharka dabaasha isla markaana qaawanahay way ila yaabayan, saas ayaan u diida”.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here