Sidaan wada ognahay xidigaha Bollywood, iyo Hollywood qaar kamidi ma isticmaalan baraha bulshada ama Social Media yaha, waxaana kamida kuwa aan isticmaalin Rani Mukerji, iyo Aishwarya Rai Bachchan.

Hadaba atriishada Aishwarya Rai Bachchan ayaa lawaydiiyey su’aal ah, waxa ay u isticmaali wayday Social Media yaha oo ay ka mid yiin, Twitter, Facebook, iyo qaarkale oo faro badan, atriishadan waxay tiri: “Su’aashaas waa mid xaasaasiya aadna waad u mahadsantiin waydiintiina, imbadan ayaa ka fikirayay, adinkoo kaliya su’aashan i maydu waydiin, cid kasta way i waydiiyaan, hadaba anugoo tix galinaya codsigiina waan kusoo biiri doona Baraha Bulshada ee Social Media yaha”.

Aishwarya Rai Bachchan markan waxay xaqiijisay in ay kusoo biiri doonto Social Media yaha, sidookale atriishadan waa mid leh taageerayaal faro badan, hadii ay kusoo biirto Social Media yahana, waxay yeelanaysaa taageerayaal faro badan.

SHARE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here